Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug oo nolosha kusoo Qabtay Horjooge Mowlid Cali Dhuxuloow

Ciidamada Galmudug oo nolosha kusoo Qabtay Horjooge Mowlid Cali Dhuxuloow

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah Galmudug, kaas oo lagu beegsaday Shabaab.

Howlgalkan oo si gaar ah ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaanada Masagawaa iyo Waniinle ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo nolosha kusoo qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Magaca ninka lasoo qabtay ayaa waxaa lagu sheegay horjooge Mowlid Cali Dhuxuloow, kaas oo ka mid ahaa jabahadaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 85-aad ee guutada 77 iyo Ciidanka Deeganka ayaa Howlgal qorsheeysan oo ay ka fuliyeen inta u dhaxeeysa Deeganada Masagawaa & Waniinle kusoo qabtay horjooge Mowlid Cali dhuxuloow oo in mudo ah ka mid ahaa kooxda Khawaariijta ah gaar ahaan kuwa ay ugu yeeraan Jabhadaha” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalka uu intaasi kusii daray in sarkaalkan la qabtay isaga oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi, isla markaan uu watay koox kale oo Shabaab ah.

Mowlid Cali Dhuxuloow oo si dhuumaaleeysi ah ku yimid Deeganka Waniinle ayeey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka  heleen  xogtiisa ka dibna gacanta ayaa lagusoo dhigay Waxaa uu hogaaminaayay koox nafla-caari ah oo ku dhuumaaleeysaneeyso dhulka howdka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada huwanta ay weli howlgallo kasii wadaan halkaasi, kuwaas oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Gobollada dhexe ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo xoreyn ah oo dhul ballaaran looga qabsaday maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Ad
Previous articleMaxay gabadhaan Ingiriiska ku kortay u doorbiday inay aroos ku gasho miyiga Soomaaliya?
Next articleMaxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland oo maanta xukuno kala duwan koox Alshabaab ahayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here