Ciidamada qalabka sida qaybohooda kala duwan ayaa kala dhex dagey dad reer guuraa ah oo dagaal culus ku dhex marey maalmihii lasoo dhaafey deegaano Galbeedka kaga beegan Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwa Nabadsugida iyo Ciidanka Booliiska oo shalay gaarey deegaanka Kaxandhaalle oo ah halka dagaalka ugu culus ka dhacey ayaa amniga si rasmi ah ugu wareejiyay ciidanka kumaandooska Soomaaliyeed ee GorGor oo fariisimo ka sameystay wadooyinka soo gala Balamballe isla markaana iminka ku howlan sidii loo diyaarin lahaa qorshihii lagu kala rari lahaa maleeshiyaadka dagaalku dhex marey oo wali ku sugan aagag aan ka fogeyn goobihii dirirtu ku dhex martay.
Mudo labo maalmood ah oo dagaalku ka socday Kaxandhaalle iyo deegaano kale oo Balamballe Galbeedka kaga beegan ayay ku dhinteen dad ka badan 10-ruux, iyadoo dhaawacyadu intaa kasii badan yihiin sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Galmudug oo iminka ku howlan dadaalka nabadeynta.