Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug oo Deegano Hor le Ka saaray Alshabaab

Ciidamada Galmudug oo Deegano Hor le Ka saaray Alshabaab

0

Ciidamo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo maanta dhowr deegaan ku weeraray Al-shabaab ayaa galabta gaaray deegaanka Bulacle oo u dhow deegaanka Ceel-lahelay oo isna shalay laga saaray Al-shabaab.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo Jeneraal Aadan Laba-Afle uu hoggaaminayo iyo guddooomiyaha caasimadda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow.

Sidoo kale waxaa galabta ciidanka furimaha uga dabategay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa Warbaahinta u sheegay inay ku jiraan howlgal saf-balaaran ah oo socon doona deegaanka Ceelgaras ilaa degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleGolaha Amaanka ee QM oo aqbalay Codsi ay hor dhigtay dowlada Somalia
Next articleDowlada Somalia iyo Dowlada Itoobiya oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo cusub (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here