Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug ee Dhawaan ahlusuna Ka adkaaday oo Maantay Bohol gaaray(Sawiro)

Ciidamada Galmudug ee Dhawaan ahlusuna Ka adkaaday oo Maantay Bohol gaaray(Sawiro)

0

Kormeerkan oo la xiriiray la socoshada xaaladaha amni iyo hubinta nabadgalyada guud ee deegaanada hoostaga Dhuusamareeb, ayay maanta ku gaareen deegaanka bohol Mas’uuliyiin katirsan maamulka Dhuusamareeb iyo Saraakiisha laamaha amniga.

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Caasimada Cabdi Xaashi Caroole oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada sirdoonka iyo nabadsugida Dhuusamareeb Dhamme: Najiib xirsi dhoore, Taliyaha Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb L/X/Le Muumin Ciise Maxamuud iyo saraakiil kale ayaa socodkoodan ku tagay goobo muhiim ah oo ay kamid yihiin xarumaha danta guud iyo xeradii fariisinka u aheyd kooxdii dhawaan Dhuusamareeb kusoo duushey ee kahor weerarka halkaasi iska soo abaabushey.

Laamaha amniga ayaa si rasmi ah ula wareegay dhismihii ay halkan ka hirgalisey kooxdaasi oo Mas’uuliyiintooda hore looga soo saarey liis lagu baadi goobayo, isla markaana Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysay ay sheegeen in ay xaruntani tahay mid dowladu la wareegtay oo looga faa’iideysan doono adeegyada kale ee bulshadu u baahantahay sida in loo badali karo xarun waxbarasho, xero ciidan ama goob uu kushaqeeyo maamulka deegaankan.

Mas’uuliyiinta howlgalkan hoggaamineysay ayaa odayaasha deegaanka ka dalbadey in ay laamaha amniga kala shaqeeyaan sugida amniga iyo la dagaalanka cid kasta oo duulaan ku ah dowladnimada.

isla markaana laga fogaado in fursad loo abuuro dambiilayaasha lagu raad joogo ee baxsadka ka ah gacmaha laamaha amniga, kuwaa oo ay xuseen saraakiishu in ay maciin bidayaan ku qaraabashada shaarar aan aheyn kuwii lagu yaqaaney sida in ay maciin bidaan adeegsiga magacyada qabaa’ilka deegaanka oo hore ugu taag waayay baajinta colaadii ay dhamaadkeeda ku naf waayeen wiilal soomaaliyeed oo dalka iyo dadkaba wax tar ulahaa.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Xariga Ka Jaray Madaxtooyada koonfurgalbeed oo si cajiib ah loo Dhisay(Sawiro)
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay guddiga Qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here