Home Wararka Maanta Ciidamada Eriteeriya oo Weerar Culus Ku Qaaday Gobalka Tigreey

Ciidamada Eriteeriya oo Weerar Culus Ku Qaaday Gobalka Tigreey

0

Ciidamada milatariga dalka Eritrea ayaa lagu eedeeyay in weerar culus ku qaadeen goobo ay joogeen ciidamada TPLF oo katirsan gobolka Tigrey, waxaana weerarkaasi qeylo dhaan kasoo saaray kooxda TPLF.

Afhayeenka Jabhada TPLF Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay ciidamada Eritrea in weerar kusoo qaadeen gudaha Tigrey, waxa uuna xusay afhayeenka in Eritrea kordhisay gardarada ay ku heyso maamulka Tigrey.

”Milateriga Eritrea ayaa shalay weerarro cusub ku qaaday ciidamadeena ku sugan Sigem Kofolo oo ku taal Waqooyi-galbeed ee Tigray una dhow magaalada Sheraro. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ah mid lagu balaadhinayo gardarrada ay ku hayso shacabka Tigrayga. Waxa kale oo ay muujinaysaa in nidaamka qallafsan yahay” ayuu yiri Getachew Reda.

Ciidamada Eritrea ayaa horey ciidamada federaalka Itoobiya uga taageeray howlgalkii ay kula wareegeen gobolka Tigrey gaar ahaan magaalada Makalle, waxaana Eritrea lagu eedeeyay in tacadiyo badan ka geesteen gobolka Tigrey.

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo War kasoo Saartay Heshiiskii Shalay Lagu Gaaray Magaalada Muqdisho
Next articlePuntland oo Digniin Culus u Dirtay Ciidamada Madaxtooyada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here