Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada dowladda oo la wareegay Deegaanka Dahar Faqay kuna dilay Horjooge (Sawirro)

Ciidamada dowladda oo la wareegay Deegaanka Dahar Faqay kuna dilay Horjooge (Sawirro)

0
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Dahar Faqay oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud , waxaana deegaankan horey gacanta ugu hayay kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in jab xooggan gaarsiiyeen dagaalyahanaddii Al Shabaab ee joogay deegaanka Dahar Faqay, waxa ayna sheegeen in ay dileen horjoogihii Al Shabaab ee deegaankaasi oo magaciisa lagu sheegay Ilkacase.

Ciidamada huwanta ah ayaana deegaankan ka wada howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay sii wadayaan howlgalka ayna Al Shabaab ka saarayaan deegaannada wali joogaan.

Howlgalka ka socda gobolka Galgaduud ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka gaareen guulo badan, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaanno badan oo Al Shabaab horey u heesteen.

Ad
Previous articleHorjoogayaal Sar Sare oo ay ku jiraan Cartan Iley oo howlgal qorsheysan lagu dilay kadib Dagaal Qaraar oo Ka Dhacay Galmudug
Next articleTaliye Shub oo Digniin culus udiray ilaalada masuuliyiin ka tirsan Dowlada Amarna Duldhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here