Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamada Dowlada oo Xoog kusoo Daayay Maxabiis Alshabaab u Xirnayd

Ciidamada Dowlada oo Xoog kusoo Daayay Maxabiis Alshabaab u Xirnayd

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad sugidda Jubbaland ay si wadajir ah uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Somalia.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo ku kala yaalla degaannada Kaliil, Dhalajo, Reebaay, Yaaqxaluul & Kaabjirroon ee gobolkaas.

Saraakiisha horkaceysay ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen saldhigyadii ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanadaasi, kadib markii ay gudaha u galeen halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ku guuleysteen soo deynta maxaabiis ku xirneyd xabsiga tuulada Kaamjarroon, waxayna sheegeen inay ka carareen xoogagii Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

 

 

Ad
Previous articleBoliiska Galkacyo oo Wasaaradda Caafimaad Galmudug ku wareejiyay agab samafal
Next articleCabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo Ahaa Xirfadle sare oo Alshabaab ja Tirsanaa oo la Xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here