Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo weerar Ku Qaaday deegaanka Buulo Kuuno iyo Shabaab nolosha...

Ciidamada Dowlada oo weerar Ku Qaaday deegaanka Buulo Kuuno iyo Shabaab nolosha lagusoo Qabtay

0

Ciidanka gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buulo Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad, ayaa waxay ku dileen Afar Qof oo ka tirsan  Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah, hub iyo gaari ay wateen maleeshiyaadka Alshabaab ah.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay cadowgu si dhuumaalaysi ah u tagayaan ayaga oo doonaya dadka beeralayda ah inay xoolo baad ah ka qaataan.

Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Aragagisadu ay ugu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay ugu baado ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal.

Saraakiisha dowladda ayaa uga digay dadka beeralayda ah iyo ganacsatada inay u hoggaansamaan isku dayada Aragagixisada nafla caariga ah ay ku doonayaan wali inay si dhuumaalaysi ah ugu boobaan hantida shacabka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleHogaamiyihii Alshabaab ee Gobalka Hiiraan oo Ladilay
Next articleUkraine oo sheegtay inay wajahayso culeyskii ugu xumaa ee Abid Soo mara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here