Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo soo bandhigtay xubno kasoo barbar dagaalamay Al-Shabaab

Ciidamada Dowlada oo soo bandhigtay xubno kasoo barbar dagaalamay Al-Shabaab

0

Ciidanka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Koofur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Xubnahan oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda, ayaa waxay ka kooban yihiin Afar ruux, ayada oo warbaahinta dowladda ay baahisay sawiradooda.

Raggan ayaa muuqaal ahaan laga dareemaya dhibaatada ay ku jireen nolol ahaan inta ay ka tirsanaayeen safka Al-Shabaab, xilli uu dalkana ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.

Dhalinyarada maanta isku soo dhiibay ciidanka ammaanka magaalada Baydhabo ee soo bandhigtay NISA ayaa sheegay inay ku jireen waxay ugu yeeraan Jabhadaha.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ka soo qayb qaateen dagaallo kooxda Al-Shabaab ay ku gashay gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Gedo.

Tan iyo markii uu billowday howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab waxay dowladda soo bandhigaysay xubno kasoo goostay kooxda, kuwaasi oo intooda badan sheega inay u adkeysan waayeen nolosha duurka iyo gulufka ka dhanka ah kooxda.

Dagaalka Al-Shabaab oo wejigiisa koowaad uu marayo heer geba-gebo ah ayaa waxaa kooxda looga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim ah, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

Ad
Previous articleIsrael oo qiratay askartii ugu badneyd ee hal maalin looga dilay dagaalka Gaza
Next articleWar Deg deg ah: Soomaaliya oo caawa si rasmi ah looga cafiyay deyntii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here