Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamada Dowlada oo laayay koox Ka Tirsan Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo laayay koox Ka Tirsan Alshabaab

0

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sameeyay howlgalo ka dhan ah dagaalyahanada Al Shababa oo ku sugnaa tuulooyin hoostaga Janaale.

Taliyaha ururka 83-aad gaashaanle Nuurdiin Macalin Xuseen, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada howlgalo ka sameeyeen tuulooyinka Wagaade, Mushaani iyo  Kabtanlaay oo hoostaga Janaale.

Waxa uu sheegay taliyaha intii ciidamada howlgalka ku jireen ay iska hor yimaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay dileen qaar badan oo kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab kuwa kalana dhaawaceen.

Taliyaha ayaana sheegay in iyaga oo fulinaya amarka madaxweynaha Soomaaliya sii wadayaan howlgalada iyo dagaalada looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka.

Milatariga Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, waxaana hadda ciidamada dowladda iyo maleeshiyada hubeesan dagaal ka dhan ah Al Shabaab ka wadaan deegaano katirsan gobolka Hiiraan.

 

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta safaro uga baxaya Muqdisho
Next articleCiidamada amaanka oo Maanta xiray Wadooyinka Muqdisho (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here