Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta qorsheystay inuu safar ku soo maro magaalooyinka Ceeldheer iyo Galcad oo aagag muhiima u ah howlgalka ka socda gobolka Galgaduud.
Intaas kadib waxaa la diray Taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Korneyl Shuute oo Muqdisho ka yimid oo markaas Dhuusamareeb ka soo degay, labadaas sarkaal ayaa lagu bedalay safarkii madaxweynaha.
Ilaa hadda ma jirto cid xog rasmi ah ka bixisay sababta ay ciidamadu uga baxeen magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo madaxda hoggaamineysa dagaalka ay safar ku tegi rabeen.
Markii laga soo tago xogta sheegeysa gadoodka ciidan ee jira, lama yaqaan cida bixineysa amarka ay ciidamadu ku soo baneynayaan furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.
Warar soo baxay waxay sheegayaan inuu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga, kaas oo sabab u ah jahawareerka soo wajahay ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.