Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamada Dowlada Oo Howlgal Qorshaysan Ku Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsana...

Ciidamada Dowlada Oo Howlgal Qorshaysan Ku Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsana Alshabaab(Sawiro)

0

Ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16aad ururka 5-aad ee ciidanka Kumandoska xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay iney howlgallo qorsheysan ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer iyo Buurqeylo oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

“Deegaanadan oo gabbaad u ahaa haraadiga argagixisada Alshabaab ayaa inta ay howlagalladu socdeen waxaa argagixisada lagaga diley labo horjooge halka lagaga qabsadey gaari nooca Succeed-ka ah, 2 Qori oo AK47 ah iyo tiro miinooyin ah oo ay ugu talo galeen inay shacabka Soomaaliyeed ku gumaadaan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Danab

Sidoo kale sarkaalka ayaa xusay in intii ay howlgalladu socdeen ay ciidamadu raashin iyo biyo gaarsiinayeen shacabka abaartu saameysey ee deeganadaas ku nool kuwaasoo uga mahadceliyey ciidanka sida ay gurmadka ula soo gaareen.

Ad
Previous articleLaftagareen oo isugu yeeray Xildhibaanada Labada ee Laga Soo Doorto koonfurgalbeed
Next articleKhilaaf Xoogan oo Ka Dhex Curtay P.M Rooble iyo Yaasiin Farey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here