Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay gobolkaas howlgal culus ka sameeyeen ciidanka NISA.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob lagu tuhmayo kooxda Al-Shabaab oo ku taalla inta u dhexeysa deegaanada Bariire iyo Sabiid.
Ciidamada Nabad Sugidda ayaa halkaas ugu tegay mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab, kadibna ay dileen, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladdu.
Sidoo kale qoraalkan kooban ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay ninkaasi kasoo furteen qoray AK47 ah iyo booshash uu watay.
Ad