Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Howlgal Culus ka Fuliyay Magaalada Muqdisho

Ciidamada Dowlada oo Howlgal Culus ka Fuliyay Magaalada Muqdisho

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgalo culus oo lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo in Al Shabaab katirsan yihiin iyo dad kale oo iibinayay waxyaabaha maanka-dooriya kusoo qabtay Muqdisho.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada booliiska, nabad sugida iyo booliiska sida milatariga u tababaran ayaa laga fuliyay qeybo kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaana intii howl galka wadeen qab qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo la tuhmay, waxaana baaritaano dheer kaddib lasii daayay dhallinayaradii la qab qabqay marka laga reebo labo nin oo lagu tuhmayo in Al Shabaab katirsan yihiin.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriyada sida xashiish iyo calaq , waxa ayna ciidamada qabteen shan qof oo la sheegay in waxyaabahaasi maanka-dooriya ay iibinayeen sidoo kale isticmaalayeen.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasab shiikh oo Gaaray Dalka Qatar Xili Wadahadal Xoogan u Bilaaban Rabo
Next articleSoomaaligii ugu Horeeyey oo loo Magacaabay Taliha Nabad Sugide Dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here