Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamada Dowlada oo Howlgal Balaaran ku Qaaday Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo Howlgal Balaaran ku Qaaday Alshabaab

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa saakay fuliyey howlgal ay Khawaarijta uga xoreeyeen deegaannada Harboole iyo Weelmaro oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa cagta mariyey goobihii gabaadka u ahaa Khawaarijta, waxaana jira khasaare cadowga lagu gaarsiiyey howlgalka saakay ka socda gobolka Jubbada Hoose, ciidamada ayaa ku sii wajahan deegaano hor leh, iyagoo kaabiga ku haya magaalooyinka Xagar iyo Jamaame.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalku uu sidii loo qorsheeyay u socdo, isla markaana ay bulshada faahfaahin ka sii doonaan markii lasoo gabagabeeyo.

Ad
Previous articleMuxuu yahay sarkaalka reer Uganda ee lagu dilay Soomaaliya ee la dashay nin xil sare ka haya dalkaas
Next articleAlshabaab oo Hoobiyayaal ku Laayay Dad Shacab ah oo Ku sugnaaa….