Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Howdka Kasaaray Alshabaab lana wareegay Goobo Badan(Sawiro)

Ciidamada Dowlada oo Howdka Kasaaray Alshabaab lana wareegay Goobo Badan(Sawiro)

0

Guutada Khaalid Binu waliid ee ciidanka xooga dalka ayaa shalay fulisay howlgal culus oo lagu burburiyay fariisimo dhulka miyiga ah ay  ku lahayeen Khawaarijta Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada Khaalid Binu waliid Maxamed Dhagaweeyne oo hogaaminayay howlgalkaan sifaynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Run-nirgood iyo Galcad ay ku burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen.

Waxaa lasoo bandhigay sawirrada godad waaweyn oo ay dhulka howdka ah ka qodatay kooxdu iyo bicihii ay biyuhu ugu jireen oo ay ka carareen.

Aagga degmada Ruun-nirgood oo ah dhul howd ah maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday howlgallo culus oo duqeymo wata, maadaama kooxda Al-Shabaab ay isugu tagtay howdkaas.

Howlgallada ka dhanka kooxda Al-Shabaab ayaa hadda sii xoogeysanaya waxayna ciidanka qaranku bilaabeen guluf dagaal oo ku wajahan deegaanada ay Galgauud ka joogto kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa jiho cusub uga dhaqaaqay magaalada Ceelbuur oo la doonayo in laga saaro maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada oo ka ambabaxay magaalada Guriceel ayaa ku sii jeeda deegaanka Jaaw, oo 50km dhinaca koonfureed kaga beegan Guriceel. Jaaw waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah oo xiriirisa Ceelbuur iyo Guriceel.

Raaca hore ciidamada oo gelinkii dambe ee Khamiistii ka ambabaxay Guriceel ayay raacooda dambena Jimcihii ku baxeen dhabihii ay ciidamadaasi qaadeen.

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad, Gaashaanle Cabdifitaax Haruuse Daahir ayaa hoggaaminaya ciidamada ka ruqaansaday Magaalada Guriceel.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ciidamadu ay hadda ku sugan yihiin tuulada Dhagaxweyn, oo 7km u jirta deegaanka Jaaw.

“Ciidamada waxay ku sugan yihiin jiiddii loo cayimay ay ka hawlgeli lahaayeen, marka dagaalka uu bilowdo,” ayuu yiri Afhayeenka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayuu qorshuhu yahay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka sifeeyaan inta u dhaxeyso deegaanada Jaaw iyo burujeed, oo qiyaastii 20km isu jira. Ciidamada ayaa ku fidi doona tuulooyinka hoostagga deegaanadan iyo dhulka miyiga.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Ciidamadii ku sugnaa Dhuusamareeb oo u dhaqaqqay Ceelbuur
Next articleMadaxweyne Biixi oo loo doortay musharraxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here