Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Fashiliyay Weerar Culus oo Alshabaab Damacsanaayeen

Ciidamada Dowlada oo Fashiliyay Weerar Culus oo Alshabaab Damacsanaayeen

0
Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab oo qorsheynayay in ay weerar gaadmo ah ka fuliyaan deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku hareereysan ayaa waxaa fashiliyay ciidamada Kumaandooska Danab .

Ciidamada Danab ayaa la sheegay in ay kahor tageen weerarka Al Shabaab ku qaadeen Janaay Cabdalle, waxaana weerarkan la sheegay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta Qaranka u xajiiyay in howlgalkaas Al Shabaab looga dilay 7-dhagar-qabe, halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in dagaalyahannada ay soo qaladay ka furteen saanad ciidan oo ay wateen, waxa uuna intaa ku daray in Al Shabaab ku gaaray jab xooggan .

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalkan guuleystay ka fuliyay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna hadda ciidamadu sii baacsanayaan haraadiga kooxda Al-shabaab oo ka firxaday howlgalka.

 

Ad
Previous articleNabadoon Amiir Jamac Maxamed Mire oo lagu Dilay Laasaacanood
Next articledowlada Qatar iyo Dowlada Soomaaliya oo Khilaaf Xoogan soo kala dhex galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here