Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dib ula wareegay degaanka Gaafgaduud-buurey ee gobolka Bay oo Axadii toddobaadkaan ay dagaal kula wareegtay kooxda Al-Shabaab.
Sida ay Mudug24 u xaqiijiyeen dad ku nool deegaankaas ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay gudaha u galay deegaanka, waxayna dib u degeen xeryahoodii ay Axadii soo baneeyeen.
Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isaga carartay deegaankaas markii ay ka war-heleen in ciidanka xoogga dalka ay ku soo wajahan yihiin oo duulaan ay ku soo yihiin Goofgaduud.
Deegaankaan oo ah mid istiraatiiji ah ayaa 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda Al-Shabaab.
Wuxuu ka mid yahay deegaanada laga difaaco magaalada Baydhaba, waxayna bulshada reer K/Galbeed dareemaan qalqal xoog leh, markii Goofgaduud ay u gacan-gasho kooxda Al-Shabaab, taas oo sababta in mar kasta ciidan lagu amro inay dib u xoreeyaan deegaankaas.