Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Dowlada oo deegaano horleh kala wareegay kooxda Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo deegaano horleh kala wareegay kooxda Alshabaab

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobolkaasi ay deegaano horleh kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo ay la galeen.

Ciidamada Xoogga dalka, qaybtooda 27-aad, kuwa Danab iyo Macawiisleyda ayaa si wadajir ah howlgalladan uga sameeyey inta u dhexeyso deegaanka Halgan iyo Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen deegaanada kala ah:-  Cabdi Cagweyn, Dhagaxyaxoor, Garasaani, Booco iyo Nuur fanax ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyey saldhigyo iyo xarumo kale oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Hiiraan ayaa sheegay in ay guullo ka gaareen, wuxuuna tilmaamay in ujeedka uu yahay sidii Al-Shababa looga saari jinka webiga, si looga hortago weerarada ay mararka qaar kasoo qaadaan halkaasi.

Baakaay ayaa sidoo kale xusay in aysan dib usoo laaban doonin ciidamada dowladda, ayna sii wadi doonaan howlgalka, inta la’isaga xirayo dhammaan deegaanada gobolka.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleAlshabaab oo Bilaabay inay isisoo Dhiibaan Kadib Dagaaladii Qararaa ee Dhawaan lagu qaaday
Next articleGudoomiye Cali Jayte oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab lagu wajahayo