Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamada Dowlada Oo Alshabaab Safar ku jiray Jidka ugalay

Ciidamada Dowlada Oo Alshabaab Safar ku jiray Jidka ugalay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada dowladda iyo daraawiishta Koonfur Galbeed ay maanta ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Howlgalkan oo ah mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Saydhelow oo u dhow magaalada Baydhaba.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalkaasi, ayada oo ay dowladdu sheegtay inay khasaare culus gaarsiisay Al-Shabaab.

“Hawlgal guulaystay oo ciidamada ammaanku ay ka fuliyeen tuulada SAYDHELOW ee gobolka Baay oo 35 KM dhanka bari kaga began Magaalada Baydhabo ayaa lagu qaarijiyey dhagar qabeyaal ka tirsan kooxaha Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo watay mooto Fekon ah.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo furteen qoray AK47 ah iyo mootadii ay wateen xubnaha lagu dilay duleedka magaalada Baydhaba.

“Howlgalkaan ayaa lagu dilay laba dhagar qabe oo Khawaarij ah waxaana looga furtay Mooto Feykon iyo qori AK47 ah, waxaana uu qeyb ka yahay howlgallo is daba joog ah oo ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ku beegsanayaan firxadka Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga dadkeena” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka dowladda.

Baydhaba iyo agagaarkeeda ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ay ciidamada huwanta, si looga hortego weerarada Al-Shabaab oo go’doomiyay afarta jiho ee magaaladaasi.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleBeesha Xawaadle oo Markale Maantay Ciidamadii ugu Badnaa U rartay Deeganada Alshabaab ka maamulaan Hiiraan
Next articleDeni oo wajahaya culeyskii ugu xooggana ee siyaasadeed, iyada oo mucaaradka ay u direen digniin kama dambeys ah.