Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Beesha Xawaadle oo Markale Maantay Ciidamadii ugu Badnaa U rartay Deeganada Alshabaab...

Beesha Xawaadle oo Markale Maantay Ciidamadii ugu Badnaa U rartay Deeganada Alshabaab ka maamulaan Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo kamid ah gobolkaasi, oo uu ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamo horleh oo isugu jiro Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay goordhow gaareen furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanada dhaca jiinka wabiga, si ay qayb uga noqdaan howlgallada ka socda halkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaal iyo hub culus ayaa waxaa hoggaaminaya taliyeyaasha Korneel Cabdullaahi Barre iyo Xasan Faarax Guuleed oo labaduna kamid ah saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee dhaq-dhaqaaqa ka wada Hiiraan.

Sidoo kale waxaa saraakiishan & ciidamadaooda halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Faarax Kooshin iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee haatan ka socda jiinka wabiga Shabelle oo ay weli ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Muddo todobaadyo ah ayaa howlgallo ay ka socdaan deegaanadaasi, waxayna ciidamadu kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerayabaal & Jicibow oo ku yaal halkaas.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujijayaan in dagaallo culus iyo duqeymo ay ka dhacaan dhulkaas oo ah mid hawd ah.

Ad
Previous articleMadaxweyne Laftagareen oo qaatay go’aan la xiriira dagaalka Al-Shabaab
Next articleCiidamada Dowlada Oo Alshabaab Safar ku jiray Jidka ugalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here