Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamada Dowlada oo Alshabaab Badan ku laayay Weerar Culus oo ay Qaadeen(Sawiro)

Ciidamada Dowlada oo Alshabaab Badan ku laayay Weerar Culus oo ay Qaadeen(Sawiro)

0

Dowlada Soomaaliya Ayaa Gordhow Soo Saartay Warsaxafadeedkaan:

WAR SAXAAFADEED
Khawaarij badan oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Muqdisho, 9 July 2023: Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa si lixaad leh uga socda goobo farabadan oo dalka ka mid ah. Mid ka mid ah hawlgadii ugu dambeeyay ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah waxaa uu xalay ilaa saakay ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta isku soo uruursadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi.

Waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan.

 

Ad
Previous articleWasiir Roboow oo lagu eedeeyey inuu Dhacay lacag Dhan $5Million oo Doolar
Next articleCiidamo lagu Magacaabay Khaalid bin Waliid oo Loo Diray Galmudug iyo Hirshabeele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here