Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Dowlada iyo Macawislayda Hiiraan oo Dhul hor leh kasaaray Alshabaab(Sawiro)

Ciidamada Dowlada iyo Macawislayda Hiiraan oo Dhul hor leh kasaaray Alshabaab(Sawiro)

0

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo ay ka dhan ah kooxda A Shabaab  ka wada deegaano dhaca galbeedka magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa hoggaaminayay ciidamada maanta howlglka ka bilaabay deegaano dhaca Galbeedka Buuloburde, waxa ayna ciidankan gaareen goobo ay Al Shabaab kaga sugan yihiin deegaannadaasi.

Ciidanka ayaa gaaray deegaanada Dhagaxyaale , Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo Al Shabaab isaga baxeen kahor inta aysan ciidanka gaarin, waxayna ciidanku burburiyeen fariisimo iyo godad ay Al Shabaab ka qodatay deegaanadaas.

Howlgalkan ay ciidamada bilaabeen ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in howlgal balaaran oo ka dhan ah Al Shabaab ka bilowdo gobolada Dhaxe ee dalka , waxaana howlgalkaasi ka qeyb qaadanaya ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Ad
Previous articleTrump “Qareen Merchan wuu i neceb yahay” Waa kuma garsooraha aan qoslin ee gacanta ku haya dacwadda Trump?
Next articleMo Farax oo kaalin lama filaan ah ka soo galay tartan lagu qabtay Gabon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here