Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Dowlada iyo Dadka Deegaanka oo Weerar Saakay ku Qaaday Alshabaab

Ciidamada Dowlada iyo Dadka Deegaanka oo Weerar Saakay ku Qaaday Alshabaab

0

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saaka kooxda Al-Shabaab ku baacsanaya deegaanka Maxamed Xasan oo u dhaxeeya deegaannada Baar-dheere iyo Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Beledweyne.

Sida ay shaacisay wasaradda warfaafinta dowladda, ciidamada huwanta ayaa waxay weerar ku qaadeen xubno Shabaab ah oo isku dayay inay si dhuumaalaysi ah deegaankaan isugu abaabulaan.

Howl-galkan ayaa yimid kadib markii dadka deegaankaan oo aan ogolayn in mar kale kooxda ku soo dhex ganbadaan ay si dhow ula shaqaynayaan ciidanka Qaranka, islamarkaana ay qayb ka yihiin dagaalka hadda socda.

Inta badan dhulka gobalka Hiiraan ayaa horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo wajaheysa guluf dagaal oo culus, waxaana haatan socda howl-galadii ugu danbeeyay ee guud ahaan la doonayo in lagu ciribtiro Khawaarijta.

Shalay ayay aheyd markii howl-gal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka dhacay deegano dhowr ah oo ku yaala Jiinka wabiga Shabeelle ee Koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-galkaas ayaa waxay ciidamadu ku burburiyeen dooman ay isticmaalayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu xirnaa wabiga Shabeelle, oo Shabaab-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu soo gudbi jireen.

Sidoo kale waxaa lagu xoreeyey deegaano dhowr ah oo ku teedsan wabiga Shabeelle, oo ay ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, kadib markii ay iskaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa.

Si kastaba, dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa wejigiisi koowaad laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, ayada oo dowladda ay sheegtay in lagu dilay boqolaal Shabaab ah oo ku jiraan horjoogayaal.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleWejigii dhabta ahaa ee Fircoon oo markii ugu horeysay la soo bandhigay(Sawiro)
Next articleAl-Shabaab oo toogatay shan nin oo uu ku jiro nin ay ku eedeysay inuu maleegay dilkii Dulyadeyn