Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada ee Difaaca Degmada Wisil oo Mushaarkii laga Jartay iyo Halis...

Ciidamada Dowlada ee Difaaca Degmada Wisil oo Mushaarkii laga Jartay iyo Halis ka Taagan Koonfurta Mudug

0

Taliska Ciidanka Dhulka XDS iyo Taliska Qeybta 21-aad oo Iska kaashanaya Qorshe lagu Dhaawacayo Difaaca Degaanka Koonfurta Mudug.

Saraakiil iyo Askar ka tirsan qaybta 21aad, Guutadiisa 13-aad ee XDS ayaa 2bilood ee lasoo dhaafay laga jartay mushaarkoodii, kuwaas oo ku sugan degmada Wisil ee koonfurta Gobolka Mudug, isla markaanau dhashay Beesha Sacad ee degta Degmadaasi.

Amarka lagu jaray Xuquuqda Ciidamadaan ayaa waxaa baxshay Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, kaas oo dhawaan ku booqday furimaha Dagaalka Koonfurta ee degaanada Shabeellow iyo Caad. Waxaana qorshahaan kula jira hogaanka sare Qeybta 21-aad, kuwaas oo amray inay kusoo xeroodaan xerada Tababarada Harqaboobe ee Gobolka Galgaduud.

Ciidaankaan ayaa kamid ahaa ciidamadii laga soo bilaabo 2021-kii ilaa hadda ku jiray dagaalka xaqa ah ee lagula jiro khawaarijta islamarkaasna ka xoreeyay deegaanno ay kamid yihiin Degmada Xarar-dheere, degaanada Shabeelloow, Camaara, Bacaadwayne, Caad, iyo sidoo kale degaano kale oo badan.

Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Sahal Sheekeeye oo si wayn ugu dhex muuqday dagaalki khawaarijta lala galay ayaa qayb ka ah Saraakiisha loogu yeeray inay ku soo xaroodaan Xerada tababarka ee Harqaboobe.

Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Dowladda Federalka ku matala Beesha Sacad ayaa qorshahaan lagu dhaawacayo Difaaca degmada Wisil iyo degaanada Xortaa ee Koonfurta Mudug Indhaha ka qarsaday.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya Oo Shaacisay Dadkii Ka Danbeeyey Qaraxyadii iyo Weerarkii lagu Qaaday Hotel SYl.
Next articleWar Deg Deg ah: Mahad Salaad oo Xilka Laga Qaaday iyo Sanbaloolshe oo la Magacaabay