Home Wararka Maanta Ciidamada Darawiishta Iyo Koonfurgalbeed oo Dagaal Qaraar ku Dhexmaray Baraawe

Ciidamada Darawiishta Iyo Koonfurgalbeed oo Dagaal Qaraar ku Dhexmaray Baraawe

0

Dagaal culus oo soo bilowday galabta, soona gaaray caawa ayaa ka dhacay degmada Baraawe oo gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed.

Dagaalka ayaa u dhaxeey ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya oo fariisin ku leh gudaha magaalada Baraawe iyo ciidanka daraawiishta koonfur Galbeed ee magaaladaas jooga.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ay ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ay dileen askari magaciisa lagu soo koobay Suusac oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidanka militeriga ah oo ka carooday askarigii laga dilay ay ugu yaraan seddax askari ka dileen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed.

Intaas kadib waxaa magaalada ka bilowday dagaal culus, waxaa lasoo sheegayaa in khasaare nafeed uu soo gaaray dadkii shacabka ahaa eek u noolaa magaalada Baraawe, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaruhu.

Ilaa hadda waxaa gudaha magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyo madaafiic ay isku ridayaan labada dhinac, dad badan waxay ka qaxeen magaalada, halka dadka qaar ay ku go’doonsan yihiin gudaha magaalada.

Xaaladda magaalada Baraawe ayaa caawa ah mid colaadeed, waxaana dentay korontadii magaalada, mana jirto qof shacab ah oo guriga ka soo bixi karta, halka dadkii fursadda u helay ay isaga baxeen magaalada.

Shacab badan oo banaanka magaalada u cararay ayaa caawa beylah u ah kooxda Al-Shabaab, maadaama ay joogaan daafaha magaaladaas oo mararka qaar ay madaafiic ku tuuraan magaalada.

Ad
Previous articleXafiis Dad Badan Layaab ku Noqday oo P.M Xamse Cabdi Barre Ka Daahfuray Muqdisho(Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya oo Maantay Maamulkii Axmed Madoobe Magacaabay Ka Dajinaysa Gobalka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here