Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Dilay Rag Ka Tirsan Alshabaab Qaar kalana Nolosha...

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Dilay Rag Ka Tirsan Alshabaab Qaar kalana Nolosha Kusoo Qabtay(Sawiro)

0

Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Alshabaab ah, iyagoo dilay seddax Alshabaab ah, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaqaan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay kooxda Alshabaab oo Wada socday.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in kooxdaas oo sideed Rag ah ka koobneed ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle, isla markaana ay ku guuleystaleen inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Khawaarijta.

Ad
Previous articleDhalinyaro Fal layaab leh ka Gaystay Kismaayo oo lasoo Qabtay(Sawiro)
Next articleWaa kuma ganacsadaha lagu eedeeyay inuu hub u soo iibiyay al-Shabaab ee la la’yahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here