Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Howdka Ka wada Baadi Goobka Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo Howdka Ka wada Baadi Goobka Alshabaab

0

Guutooyin katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo amni ka sameeyay degmada Ruun Nirgood iyo deegaanka Hilowle Gaab oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Goobahan ciidanka howlgalka ka sameeyeen ayaa horey waxaa ugu sugnaa dagaalamayaal katirsan Al Shabaab, waxaa sidoo kale waddooyinka gala deegaankaasi kana baxa la galiyay miinooyin badan.

Ciidamada ayaa inta howlgalka wadeen waxa ay soo saareen miinooyin badan oo kooxda Al Shababa galiyeen hareeraha waddooyinka, kuwaa ay ugu tala galeen in ay ku waxyeeleeyaan ciidanka dowladda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay howlgalka ciidanka sameeyeen uu guul kusoo dhammaaday, waxa uuna xusay in howlgal kale oo baaxad weyn uu bilaabanayo.

Howlgalkan ay sameeyeen ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa imaanaya xilli la filayo in si toos ah dhawwaan u bilowdo howlgal la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaasi.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Soo saartay Go,aan Ka nixiyay Ganacsatada Qaadka Kenya
Next articleAlshabaab oo Laga Xiray Wadooyinkii ay ku baxsan lahaayeen Markii Galmudug laga soo saaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here