Home Wararka Maanta Ciidamada Booliska Soomaaliya oo maanta soo xiray askari isbaaro dhigtay duleedka magaalada...

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo maanta soo xiray askari isbaaro dhigtay duleedka magaalada Muqdisho

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo xiray askari isbaaro dhigtay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhowaan muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Eeedeysanaha oo lagu magacaabo Faysal Ibraahim Samow ayaa loo haystaa inuu gaadiidka lacago baad ah uga qaadayay deegaanka Weydow ee degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sheegay in laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, isla markaana la horgeyn doono maxkamad.

“Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Dharkenleey ayaa gacanta kusoodhigay eedaysane Faysal Ibraahim Samow oo ku eedaysan inuu isbaaro u dhigtay muwaadiin Soomaliyeed deegaanka weeydow” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale booliska ayaa uga digay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya inay ku xad-gudbaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama uu jiro amar sare oo kasoo baxay madaxda dalka.

“Anagoo fulinayna amarka madaxda Qaranka waxaan markale uga digaynaa ciidamada kala duwan ee Dowlada in ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Soo qabashada askarigan waxay ku timid, kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalkiisa, isaga oo lacag baad ah ka qaadaya mid kamid darawallada BL-ka ee ka shaqeeya waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, taas oo dhalisay falcelin xoogan.

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Golaha Wakiilada Soomaalilad oo Go’aan lama Filaan ah ka Gaaray Xildhibaan Abiib
Next articleDowladda Soomaaliya iyo Masar oo go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari