Home Wararka Maanta Ciidamada Booliska Soo Qabtay Rag Burcad ah oo Dhacgaysanaayay

Ciidamada Booliska Soo Qabtay Rag Burcad ah oo Dhacgaysanaayay

0

Ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa qabtay seddex kamid ah ciyaal-weerada dadka shacabka ah u geesta dhaca iyo dhibaatooyin kalaba .

Kooxdan ciyaal-weerada burcada isku bedeshay ayaa xilliga la qabanayay dhaawac u geysteen qof shacab ah kana qaateen telfoon iyo agabyo kale oo xilligaasi watay sida ay booliiska sheegeen.

Ciidanka booliiska ayaana howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay saddexdan nin ee burcadka ahaa iyo agabkii ay qaateen, waxaana kooxdan loo gudbiyay xarunta dambi baarista CID-da halkaas oo baaritaano dheeraad ah lagula sameenayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa ciidanka booliiska ee ka howlgala degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedkeeda kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcada hubeesan iyo ciyaalka weerada ee dadka dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta.

Ad
Previous articleDhaawacyo laga Keenay Magaalada laaasacaanood oo muqdisho laga Soo Dajiyay
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la qaatay Golihiisa Wasiiradda (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here