Home Wararka Maanta Ciidamada Beesha Abgaal oo Degaankii Ugu Horeeyey Alshabaab Ka Saaray

Ciidamada Beesha Abgaal oo Degaankii Ugu Horeeyey Alshabaab Ka Saaray

0
Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa AS kala wareegay degaanka Istaraatiijiga ah ee Xawaaldeey oo hoos-yimaada degmada Balcad ee G/Sh/ Dhexe.
Xawaadleey oo ku taala bartamaha Jowhar iyo Balcad ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa ku sugnaa AS, taasoo sababtay in uu istaago isu-socodka Jowhar iyo Balcad.
Sidoo kale, Xawaadleey waxaa ku taala Buundo isku xirta 2-da Shabeelle waxayna Al-shabaab u isticmaali jireen marin ay isaga gudbaan ilaa meelo kamid ah gobalada dhexe. Ciidanka qabsaday Xawaadleey waxaa hogaaminaya Korneel lagu magacaabo Abuukar Boonoow oo katirsan CXD.
Lama oga in ciidankaan ay sii joogi doonaan Xawaadleey iyo inkale, waxaase loo arkaa in AS laga saaray degaan muhiim u ah amniga Balcad iyo Jowhar iyo Guud ahaan Shabeellada dhexe.
Ad
Previous articleÃ…kesson oo ka hadlay siyaasadda cusub ee socdaalka ee Sweden: “Shuruudaha la xoojiyay”
Next articleWararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo Putin oo go’aan ku dhowaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here