Home Wararka Maanta Ciidamada ATMIS oo war cusub kasoo saartay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Ciidamada ATMIS oo war cusub kasoo saartay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

0

gaaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa war cusub kasoo saaray cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

El-Amine ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibada caalamka garawsaday in la joogo xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya, loona wajaho Al-Shabaab.

Ergeyga Midowga Afrika ayaa khudbaddiisa ku sheegay baahida loo qabo in la qaado cunaqabataynta hubka iyo rasaasta ee saaran Soomaaliya.

“Waxaan ogahay in dalkan wax badan laga qabtay” ayuu yiri Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu soo jeediyay in taageero caalami ah xilligan loo fidiyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waxaan dhawaan fursad u helay in aan hadal ka jeediyo shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xaaladda Soomaaliya, waxaana aan iftiimiyay in xilligan xasaasiga ah, saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay ay tahay inay taageero dheeraad ah siiyaan Ciidanka Xoogga Soomaaliya” ayuu yiri Mohamed El-Amine Souef.

Madaxa guud ee howlgalka ATMIS ayaa sidoo kale xubnaha beesha caalamka ugu baaqay inay arrintaan ka dhabeeyaan, si garab istaag loogu muujiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan ku boorrinay saaxiibada caalamka inay tixgeliyaan arrintan oo ay taageero dheeraad ah siiyaan ciidamada Soomaaliya” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaan ka qayb galay laba toddobaad kahor siminaar ay soo qabanqaabiyeen La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Kooxdiisa, dhammaan saaxiibada caalamkuna waxay garwaaqsadeen in wax badan la qabtay, lana gaaray xilligii xayiraadda iyo cunaqabteynta hubkaga laga qaadi lahaa Soomaaliya”.

Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in qaadista cunaqabteynta hubka ay Soomaaliyaa  u oggolaaneyso in ciidamada qalabka sida iay ATMIS kala wareegaan amniga dalka marka ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2024.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNin 53-sanno jir kufsi iyo afduub u geestay Gabar 11 jir ah oo Muqdisho lagu qabtay
Next articleDuuliye lugihiisa uu taabtay maska Kobraha xilli uu ku guda jiray duulimaad Muxuu Sameeyey ?