Home Wararka Somaliya Somaliland Ciidamada Amaanka oo maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha...

Ciidamada Amaanka oo maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey

0

Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey, falkaas oo dhaliyay caro xoogan.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in baadi-goob dheer, kadib lasoo qabtay haweeneydaasi oo lagu magacaabo Huda Cawaale Xirsi.

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.!” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu inantaasi kusoo qabtay , isagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo  ee ciidanku  u xilsaaran yahay , Waxaanan degdeg u horgeyn doonnaa Sharciga haddii eebbo idmo” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo kasoo horjeeda Diinteenna suuba.

“Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka fogaadaan arrimaha noocaasa ee kasoo horjeeda Islaamnimada iyo  Diinteenna suubban” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay ciidanka Booliska Somaliland.

Howlgalkan ayaa si wyen loogu bogaadiyay Booliska Somaliland, maadaama uu ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedeysanaha oo la filayo in la horgeeyo maxkamad.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab ku sugnaa Degmo ka Tirsan Galmudug oo la Duqeeyey
Next articleMadaxweynaha Faransiiska oo albaabka u furay aqoonsiga Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here