Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey, falkaas oo dhaliyay caro xoogan.
“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.!” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
“Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu inantaasi kusoo qabtay , isagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ee ciidanku u xilsaaran yahay , Waxaanan degdeg u horgeyn doonnaa Sharciga haddii eebbo idmo” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhanka kale taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo kasoo horjeeda Diinteenna suuba.
Howlgalkan ayaa si wyen loogu bogaadiyay Booliska Somaliland, maadaama uu ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedeysanaha oo la filayo in la horgeeyo maxkamad.