Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedeysanayaal waa weyn oo...

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedeysanayaal waa weyn oo ka ganacsanayay Maan-dooriye (Sawirro)

0

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal gaar ah ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen saddex qof oo ku eedeysan in ay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan .

War kasoo baxay taliska booliiska G/Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay saddex eedeysane oo ahaa kuwii ugu waa weynaa ee in muddo ah ka ganacsanayay Maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida: Xashiiska, Qamriga iyo Calaqa.

Booliiska saddexda qof ay soo qabteen waxaa ku jirta haweeney da’ ah oo kamid aheyd dadka ka ganacsada maan-dooriyaha, waxaana magacyada dadka lasoo qabtay kala yihiin.

1- C/qaadir Cali Maxamed( Daraf).
2- Axmed Xuseen Cumar (Axmed Shiikhaal).
3- Saciido Maxamuud Juruf( Saciido Buraale).
Ciidanka booliiska ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howlgalada ka dhanka ah maan-dooriyaha sida xashiishka , calaqa iyo qamriga, waxa ayna ciidamada xabsiga dhigeen dad badan oo ka ganacsanayay waxyaabahaasi maankadooriya.
Ad