Home Wararka Maanta Ciidamada Al-Shabaab oo Dhankooda ayagana magacaabay taliye cusub

Ciidamada Al-Shabaab oo Dhankooda ayagana magacaabay taliye cusub

0

Nin cusub ayaa dhowaan loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo faahfaahin badan aan laga helin, balse la xaqiijiyey magacaabistiisa.

Taliyaha cusub ee ciidamada Al-Shabaab waxaa magaciisa lagu sheegay Guuleed Ilkacase, mana ahan nin wax badan oo faahfaahin ah laga hayo.

Ninkaan ayaa bedelaya taliyihii hore ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Yaasir Jiis, isla markaana ah nin si weyn loo raadiyo xogtiisa.

Yaasir Jiis wuxuu ku jiraa liiska xubnaha ugu sareeya argagixisada oo dowladdu uu ugu weyn yahay Mareykanka ay aad u doon doonayaan.

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toddobaadkaan magacaabeen sarkaal cusub.

Xuseen oo ka gaabsaday in ninka loo magacaabay Taliyaha ciidamada  Al-Shabaab uu magaciisa sheego, isla markaana faahfaahin buuxda ka bixiyo ayaa xaqiijiyey in magacaabistaas ay dhacday toddobaadkaan.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in markii ay ka yaraadeen weerarradii ciidamada dowladda Soomaaliya ay fursad u heleen inay dib u habeyn ku sameeyaan ciidankooda, ilaa ay toddobaadkaan bedeleen taliyihii ugu sareeyey.

Dhanka dowladda waxaa ka socda abaabul xoog leh, xeryaha militeri ee Muqdisho ayaa buuxsamay, waxaana maalmaha soo socda la qorsheynayaa inay gobollada dhexe dib uga bilowdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleDiyaarad Rakaab Ah Oo Laga Leeyahay Singapore Si Deg-Deg Ah Dhulka U Fariisatay
Next articleGoob Ganacsi oo Ku taala Muqdisho oo weerar Layaab leh Xalay Lagu Qaaday