Home Wararka Maanta Ciidama Booliska Magaalada Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad Qaab Yaableh u...

Ciidama Booliska Magaalada Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad Qaab Yaableh u dhacay Dad Shacab ah(Sawiro)

0

Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay sawirrada 5-rag ah, hub ay wateen iyo gaari ay ka dhaceen dad shacabka, kuwaas oo la qabtay iyagoo baxsad ah.

Ragaan ayaa laga soo qabtay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, iyagoo la baxsanaya gaariga ay dhaceen iyo taleefoono kale oo dad shacab ay ka uruursadeen.

Ragaan ayaa gaari nooca raaxda ah kala degay dadkii watay, kadib markii ay ka afduubteen meel u dhow garoonka cayaaraha ee Stadium Eng. Yariisoow ee degmada Cabdicasiis.

“Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control, halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga iyaga oo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.

Qoraalka booliska ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Booliska oo xogta ragaan hayay wada shaqeena ka halaya dadka shacabka ah ayaa iyagoo baxsad ah ku qabtay Deegaanka Garasbaaley ee duuleedka Magaalada Muqdisho 12/01/2023 abaaro 08:00 subaxnimo.”

Ugu dambeyntii taliska qeybta booliska ee gobolka Banaadir ayaa qoraalkaan ku cadeeyey in burcadaan hubaysan oo ku jirta gacanta ciidanka amniga la horgey doono hey’adaha kale garsoorka, si cadaallada loo marsiiyo.

Magaalada Muqdisho markii laga soot ago falalka argagixiso ee sababa dilalka madax-jebiska ah iyo qaraxyada, waxay dadkeedu qaati ka taagan yihiin dhaca tuugada, mararka qaarna waxaa dhacda in qofka loo dilo agabka uu wato dartiis.

Ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka wada howlgallo ay ku baacsanayaan burcadda, waxayna maalmihii lasoo dhaafay ku guuleysteen inay soo qabtaan ku dhawaad 20 rag ah oo dadka dhaceysay.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Ciidmada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo la Wareegay Degmada Xarardheere
Next articleAlshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Go,doon ku Jira Kadib Qabashadii Degmada Xarardheere iyo Taliye Biixi oo Ka Hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here