Home Wararka Maanta Maxaa ugu Muhiimsan Qorshaha Xukuumadda Cusub ?

Maxaa ugu Muhiimsan Qorshaha Xukuumadda Cusub ?

0

Xukuumadda Dan Qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ee shalay heshay codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa si rasmi ah shaqadeeda ula wareegeysa. Xildhibaannadu, ka hor inta aysan codka u qaadin ansixinta xukuumadda, waxaa loo qeybiyay buug ka kooban 41 bog oo lagu qoray Barnaamijka siyaasadda ee Xukuumadda.

Haddaba, muxuu yahay barnaamijkaas?

Marka aan si kooban u dul marno, barnaamijka xukuumadda waxaa loogu magac-daray “Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah”. Waa halku dhiggii ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo howlgal loo beddelay. Waana barnaamij salka ku haaya tiirar waxqabad oo ka kooban illaa lix, kuwaas oo tirada kala mid ah tiirarkii lixda ahaa ee uu Madaxweynuhu ku shaqeynayay muddo-xileedkiisii hore ee 2012-2017.

Tiirarka uu barnaamijkan cusub ku taagan yahay waxa ay u muuqdaan kuwa si faahfaahsan loo qaabeeyay oo lagu saleeyay duruufaha hadda taagan. Waxaana tiirka koobaad ah Dib-u-xoreynta iyo Sugidda Amniga.

Sida ku xusan hiigsiyada tiirkan, waxa ay xukuumaddu ku talogalaysaa in ay hortebinta ugu muhiimsan ee howlaheeda siiso xagga amniga iyo xoreynta deegaannada ku jira gacanta Alshabaab. Waana arrin uu marar badan meelo kala duwan ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Barnaamijka Xukuumadda waxaa ku cad in la-dagaalanka Alshabaab uu noqonayo wax ka ballaaran kana baaxad weyn howlgal ciidan oo furimaha ka dhaca. Waxaa qorshaha ku faahfaahsan in siyaasadaha amniga, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee dawladdaba loo qaabeyn doono hab iyo hannaan ay kaalin uga geysan karaan howlgalka dagaalka, oo isugu jiri doona mid ciidan, mid bulsho oo wacyigelin u badan, iyo mid dhaqaale.

Tiirarka kale ee howlgalka xukuumaddu ku fadhiso waxaa ka mid ah Caddaaladda iyo Garsoorka, Maamul-wanaagga iyo Islaxisaabtanka, Soomaali Heshiis ah (Dib-u-heshiisiinta gudaha), Isku-filnaasho Dhaqaale, Horumarinta Arrimaha Bulshada, iyo Xiriirka Dibadda (Soomaali Dunida Heshiis la ah)

Dhammaan tiirarka barnaamijku waxa ay leeyihiin halbeegyo hortebin leh oo, intooda badan, ay la xiriiraan diyaarinta shuruuc u adeegaya hirgelinta howlahaas.

Amnigu waa mid ka mida caqabadaha ugu waaweyn ee dadka Soomaaliyeed heysta, waxaana yididdiilo abuuri kara in ay xukuumadda cusub qorshaheeda qodobka koobaad ka dhigatay dib-u-xoreynta dalka oo la aaminsan ahay in aanan waxba laga qaban wixii ka dambeeyay markii uu shan sano ka hor xafiiska ka tegay Madaxweyne Xasan Sheikh.

Sidii ay noqotaba, qorshahaan oo qoraalkiisa ay xildhibaannadu ku qanceen waxaa dib loo qiimeyn doonaa marka ay xukuumaddu wax qabato, si loo arko bal in waxa qurxoon ee la qoray ay dhalaan natiijo qurxoon oo dadka iyo dalkuba u aayaan iyo in kale.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya oo Goor dhaw u safray uganda
Next articleHowlgal culus oo xalay laga fuliyay Gobalka Mudug