Home Wararka Caalamka Caruur Farabadan oo lagu Laayay iskuul ku yaala Maraykanka

Caruur Farabadan oo lagu Laayay iskuul ku yaala Maraykanka

0

Ugu yaraan 18 caruur iyo macallin ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan ka fuliyey dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka Talaadadii, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Barasaabka gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in tuhmanaha weerarka oo ahaa 18 jir deganaa magaalada Uvalde ee Texas ay toogasho ku dileen saraakiil u gurmatay iskuulka.

Weerarka ayaa ka dhacay dugsiga hoose ee Robb Elementary School ee magaalada Uvalde oo 85 mile galbeed kaga beegan magaalada San Antonio. Tuhmanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Salvador Ramos, sida ay ku warrameen booliska.

“Wuxuu toogtay oo uu si arxan-darro ah u dilay 18 arday iyo macallin,” ayuu yiri barasaab Greg Abbott.

Saddex qof oo kale oo dhaawac ah ayaa isbitaal la dhigay, ayada la sheegay in xaaladdooda ay halis tahay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa sheegay in markii uu madaxweynaha noqonayey uu rajeynayey inuusan qaban shir jaraa’id oo noocan ah.

“Waalid ayaan mar dambe arki doonin caruurtooda, oo aan marnaba kula bood boodi doonin sariirta oo aan hab siin doonin. Waalidiin ayaan marnaba sidoodii hore noqon doonin. Inaad weyso ilmahagaa waa sida ayada oo qeyb ka mid ah naftaada la qaaday,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biden ayaa sharci-dejiyayaasha Mareykanka ugu baaqay inay xanuunkan ku beddelaan inay ansixiyaan sharci xakameynaya haysashada hubka oo caadi ah ka ah Mareykanka.

Toogashadan ayaa timid wax kayar laba toddobaad un kadib markii nin ay mas’uuliyiinta sheegeen inay dhiiri-gelisay cunsurinimo, uu suuq ku yaalla magaalada Buffalo ee gobolka New York ku dilay 10 qof oo badankood madow ahaa.

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Putin oo Ka Badbaaday Isku Day Dil oo lagu Khaarijin Lahaa
Next articleDilka Gaalkacyo: ‘Isagoo hurda ayaan u tagnay ninka dilay labadiisa wiil’