Home Wararka Maanta Canada oo dalkeeda ka tarxiileysa 150 qof oo Soomaali ah

Canada oo dalkeeda ka tarxiileysa 150 qof oo Soomaali ah

0

Soomaalida ku nool Canada ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay soo faragaliso, oo ay hor-istaago qorshe ay dowladda Canada ku doonayso inay dalkaasi uga masaafuriso dhallinyaro Soomali ah.

Canada ayaa ku eedeysay dhalinyaradaas iney si sharci darro ah dalkaasi ku galeen.

“Dhallinyarada waxay Canada ku soo galeen dokumentiyo aan sax ahayn, kuwaasoo tiradoodu ka badan tahay 150 qof” ayaa lagu yiri war ka soo baxay laanta socdaalka dalkaas.

Mid kamid ah Dhalinyarada tarxiilka loo diyaariyey ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu baajinayo in laga musaafuriyo dalka Canada, ayna u baahan yihiin inay soo farageliso dowladda Soomaaliya.

Canada ayaa waxaa ku sugan Soomaali aad ku dhow 100 kun  oo siyaabo kala duwan ku galay si ay uga helaan Nolol dhaanta tan ka jirta dalkooda Soomaaliya oo ay aafeeyeen, dagaalo aan dhamaad, laheyn, nolol xumo, shaqo la’aan, abaaro iyo dhibaatooyin kale.

Ad
Previous articleDowlada Somalia iyo Dowlada Itoobiya oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo cusub (Sawirro)
Next articleWaa sidee xaalka sheekh Umal oo la sheegay inuu xanuunsanayo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here