Gudoomiyaha Amniga Gobalka Banaadir Cali yare Cali ayaa Maantay Ku Wajahan Galmudug Gaar ahaan Degmada Guriceel oo Laga Leeyahay Kursiga HOP147.
Guriceel ayaana saakay Laga Dareemayaa Qabanqaabada iyo Soo Dhawaynta Caliyare cali oo Haatan Si wayn uga Socota Xaafadaha Kala Duwan ee Degmada Guriceel Gudoomiye Caliyare ayaana Bartiisa Facebooka Kusoo Qoray Sidaan:
Maantay oo Isniin ah waxaan ku wajahannahay Degmada Guriceel innaga oo ka kooban bulsho qeybo kala duwan leh oo wadaagta kursiga #Hop147.
Guriceel waa Degmada xudunta Reeraha wada leh, sidoo kale waa fadhiga odayaasha leh talada Kursiga sababtaas darteed ayaan ugu xulannay inaan safarkeenna ka bilowno ka dibna aan horay u sii wadano safarkeenna Caasimadda Galmudug markii uu munaasab noo noqdo.
Cali yare Cali ayaana U Tartami Dooona Kursiaga Uu ku Fadhiyo Mahad Salaad ee Tirsigiisuyahay #HOP147 waana Kursiga Ugu Xiisaha Badan ee Lagu Dooran Doono Galmudug Gaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb, Lama Oga Cida ku Guulaysan Doonta Kursigaan oo ay isku Haystaan VIlla Soomaaliya Iyo Xisbiga UPD ee Uu Hogaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud.