Home Wararka Somaliya Galmudug Cali Jeyte oo Balan Qaad Culus u Sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh Xili...

Cali Jeyte oo Balan Qaad Culus u Sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh Xili uu Dhuusamareeb ku Suganyahay

0

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xalay hadal ka jeediyey kulan casho ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb ugu sameeyey siyaasiyiin iyo saraakiil uu u arkay inay ku garab sii karaan dagaalka Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa xalay Madaxweynaha u xaqiijiyey in Shabaab ay ka adkaa karaan, hadii qorshuhu uusan ka xumaan isbaheysiga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Caawa arrimaha militeriga kama hadleyno oo hoos baan u dhigeynaa, laakiin Madaxweyne waxaan xaqiijinayaa Shabaab waa ka adkaa karnaa, waa fahamsanahay dagaalka Shabaab, waa cad yahay mid naga qaldami karana maaha,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in qorshaha dagaalka ay madaxweynaha hoos ugala hadli doonaan, balse hadda uu kor u sheegayo in Shabaab-ka ku haray bariga gobolka Galgaduud ay muddo kooban ku soo afjari doonaan.

“Waxaa in weydii jiray Soomaaliya yaa u maqan, Madaxweynaha markii la doortay wuxuu ku dhawaaqay dagaal Shabaab, marka wax aan dhowrano ma jiraan, masuuliyiinta waxaa laga rabaa inay furinta ku dhintaan si loo maamuuso, intii sariirta aad ku dul dhima laheydeen,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in beentii ay Shabaab dadka u sheegi jireen ay soo dhamaatay oo hadda ay dhabta gaartay, “Hadaan si dadnimo ah ugu dhiirano waa soo afjari karnaa Shabaab, anaga ayaa soo tijaabinay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Ugu dambeyntii guddoomiye Cali Jeyte ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka balan qaaday in isagoo niyad jabsan uusan Dhuusamareeb ka tegi doonin.

“Hadii caawa madaxweyne madaxaagu hoos u raaraco, waxaan kaa balan qaadeynaa adigoo niyad jabsan in Dhuusamareeb aadan ka tegi doonin,” ayuu yiri.

Cali Jeyte oo wata qiyaasitii 20 gaadiid dagaal ah iyo askar badan, isla markaana ay wehliyaan xildhibaano uu ku jiro Sanbaloolshe ayaa shalay Dhuusamareeb ku yimid safar dhulka ah oo Beledweyne ay uga soo baxeen.

Ad
Previous articleMareykanka oo xiray nin u basaasayey Itoobiya
Next articleIMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here