Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Jayte Oo Shaaciyay Deegaanka Xiga Oo Ay Shabaab Ka Saarayaan Kadib...

Cali Jayte Oo Shaaciyay Deegaanka Xiga Oo Ay Shabaab Ka Saarayaan Kadib Hiiraan

0

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa ka hadlay halka ay u jiheysanayaan marka uu soo dhamaado gulufka dagaal ee Shabaab uga furan gobolka Hiiraan oo haatan dhamaad kudhow.

Cali Jayte ayaa warbaahinta u sheegay iney sii wadi doonaan dagaalka oo ay u wareegsan doonaan gobolada kale si kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan deegaanada ay dalka uga sugan yihiin.

“Ujeedada aan ka leenahay waxay tahay, haddaan Hiiraan ka saarno naguma filna ama wax la taaban karo weli ma ahan, ilaama aan ka saarno gobolada kale ee dalku uu leeyahay. Annagu waa inaan yeelano aragti qaran ee aanaan u fekerin aragti gobol iyo aragti degmo, inkastoo xilkani aan hayo uu yahay xil gobol oo uusan ahayn xil Soomaali ka dhaxeeyo, haddana qalbi ahaan, mooraal ahaan iyo maskax ahaanba waxaan aaminsanahay, una diyaarsanahay aragti qaran iyo xoreyn qaran, dhammaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatada haysatana in laga dulqaado.” ayuu yiri Cali Jayte.

Si kastaba, Gulufka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la dhihi karaa waxa uu bilow wanaagsan u yahay dagaalka ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dooneyso inay ku soo afjarto waayihii kooxaha jid iyo jihadiidka ee dalka falalka amni daro ka geysata.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDeni Oo Nairobi Kula Kulmay Wafdi Ka Sicday Safaarada Mareykanka Ee Soomaaliya.
Next articleDowlada Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Ka Wada Hadlay Soo Afjarida Shabaab(Sawiro)