Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali jayte oo Dib u bilaabay Dagaalkii ukula jiray Alshabaab

Cali jayte oo Dib u bilaabay Dagaalkii ukula jiray Alshabaab

0

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo maanta jiida hore ee dagaalka kula hadlay warbaahinta ayaa hanjabaad culus u diray kooxda Al-Shabaab oo weli dagaallo culus ka wada gobolkaas iyo guud ahaan dalka.

Ugu horreyn Cali Jayte ayaa ka warbixiyay dagaal culus oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Beero Yabaal oo hoostaga degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, isaga oo shaaca ka qaaday inay uga adkaadeen Shabaab, sidoo kalena ay ku gaarsiiyeen jab culus.

“Muddo ayaan ku dagaalameynay meel halkan ah waan ka itaal roonaanay waxaan rabaa ciidamadaas meel kasta oo ay ka dagaalamayeen inaan u mahadceliyo” ayuu yiri Jayte.

Sidoo kale wuxuu ku hanjabay inuu sii wadi doono dagaalka uu kooxdan kala jiro, illaa inta laga saaro guud ahaan dhulka Soomaaliya.

“Waxaan wacad ku marayaa haddii Alle idmo inta tabarteydu la’egtahay, Shabaab inta uu Soomaaliya joogo inaan kabaha ka daba ilado” ayuu mar kale yiri Cali Jayte Cismaan.

Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa farriin culus u diray dowladda dhexe, wuxuuna ka dalbaday inay qaadato mas’uuliyeeda ku aadan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaloya waxaa saaran mas’uuliyad ah inay dalka cadowga ka saarto, ilaaliso shacabka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyihi hore ee gobolka Hiiraan.

Cali Jayte ayaa haatan ah gooni u goosad, isaga oo ku dhawaaqay maamulka ‘Hiiraan State’ kadib markii xilkii ka qaaday madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xiisaddan, maadaama aysan jirin illaa iyo hadda wax wadahadal ah oo u billowday labada dhinac, si xal looga gaaro arrinta taagan.

Ad
Previous articleAgaasime Cusub oo loo Magacaabay Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya iyo Beeshiisa oo la Ogaaday
Next articleGantaalo uu Ruushku ku garaacay Lyman oo ay dad 8 qof ku dhinteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here