Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar.
Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka BJFS waxaana xilka loo doortay ugu hambalyeeyay Madaxxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.
Shiikh Shariif oo kursiga loo xiray ayaa doorasho ka dhacday magaalada Jowhar waxaa uu ku soo baxay kursiga HOP 146 oo uu horey ugu fadhiyey wasiirka amniga Somalia C/llaahi Maxamed Nuur
Sharif Shiikh Ahmed oo saaka ka gaaray Jowhar ayaa ku guuleystay kursiga markii uu tanaasulay Sheriif Abukar Ahmed oo malxiis ahaa.
Ad