Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ku metela gobolka Hiiraan, gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa eedeymo culus u jeediyey Cali Guudlaawe.
Xildhibaanadaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in markii ay Cali Guudlaawe kala hadleen tabashada beeshoodu ay ka qabto maamulka uu ka jartay gunadii xildhibaanimada ay ku heli jireen.
“Markii tabashada dadkeena la dhageysa waayey, ayaan weydiinay madaxweynaha sababta loo dhageysa la’yahay dadkeena, kadibna wuxuu gunadii ka jartay shan ka mid ah Xildhibaanada Xawaadle,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha hadlay.
Xildhibaanadaan oo hadda ku sugan Hiiraan ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu raadinayo ‘xaalad abuur’ iyagoo sheegay in dadkooda ay dhex-joogaan, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeela doonin guno laga jartay.
Sidoo kale Xildhibaanada HirShabeelle ku metela beesha Xawaadle ayaa wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ka socdsaday in lacagaha lagu kabo miisaaniyadda maamulkaas aan lagu darin qoondada gobolka Hiiraan, maadaama ay cabasho ka yihiin hoggaanka maamulka.
Xildhibaan kale oo goobtaas ka hadlay ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe ku eedeeyey inuu caqabad ku yahay dagaalka Al-Shabaab, “Gaadiid dagaal waa leeyahay, laakiin waligood Shabaab xabad kuma ridin, waxaanba is dhahnay waxaa ka dhaxeeya cilaaqaad,” ayuu yiri.