Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Dheere oo dhawaan Dowlada Soomaaliya Sheegtay in la Dilay oo...

Cali Dheere oo dhawaan Dowlada Soomaaliya Sheegtay in la Dilay oo soo Hadlay

0

Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab  Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay dagaaladii maanta ka dhacay degaano ku yaalla duleedka degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan kuwaasoo dhexmaray ciidamada Huwanta iyo dagaalyaanada Al-Shabaab.

Cali dheere ayaa sheegay in dagaalkaas ay guulo ka soo hoyeen ciidamada Al-shabaab ayna cagta mariyeen saldhigyo ciidamada Huwantu ku lahaayeen degaanada Yasooman iyo Beero yabaal ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in dagaalkaas ay ku laayeen 117 ka tirsan ciidamada dowlada iyo kuwa qabaa’ilka ee isbaheystay, isagoo intaas ku daray iney ka qabsadeen 9 gaari oo ay ku jiraan kuwa Gaashaaman.

“Waxaan bogaadin iyo hambalyo u direynaa qabaa’ilka garab istaagay mujaahidiinta, waxaad muujiseen walaalnimada Islaamka, anagoo ilaahay uga rajeynaynaa inuu khayr ku abaal mariyo” ayuu yiri afhayeenka oo aan sheegin magacyada qabaa’lka ku taageeray dagaalka.

Cali dheere ayaa Baaq iyo digniin u diray ciidamada dowlada iyo qabaa’ilka dagaalka kala soo horjeeda Al-shabaab.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh”maanta waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada argagixisada ay shacabka ku dhibaateeyaan”
Next articleMaxay Dowladaha Somalia iyo Norwey oo ka wadahadleen iyo qodobo Muhiim ah oo kasoo baxay(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here