Calanka Soomaaliya Oo Markii ugu horreysay laga dhex taagay Xarunta Qaramada Midoobay ee Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Galbeedka Aasiya ee Magaalada Beirut ee dalka Lubnaan.
“Waxaan sharaf ii ah inaan ka taago calanka Soomaaliya Xarunta Ururka Qaramada Midoobay ee Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Galbeedka Aasiya kaasoo xafladdiisa lagu qabtay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Balal Mohamed Osman.
Ururkaan waxaa xubno buuxa ka ah 20 waddan oo dhammaantood ka tirsan wadamada Jaamacadda Carabta oo Xubin ka tahay Somalia.
Ad