Home Wararka Somaliya Galmudug Cali Yare Cali oo Ka Hadlay cida Safarkiisa Hor istaagtay Xili loo...

Cali Yare Cali oo Ka Hadlay cida Safarkiisa Hor istaagtay Xili loo Diiday inuu u Dhoofo Galmudug

0

Gudoomiyaha Amniga Gobalka Banaadir Caliyare Cali ayaa Qoraakaan Ku Cadeyey Cida Safarkiisa Hor is Taagtay xili Loo Diiday inuu Ka Dhoofo Garoonka aadan Cadde ee Muqdisho Wuxuuna Yiri:

“Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug.

 

Ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda .

 

 

Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen.

Madaxda NISA waxaan uga mahadcelinayaa Jawaabta ay arrinkaas ka bixiyeen oo ahaa mid dhaxalgal ah oo ka turjumaya macnaha dhabta ah ee Hey’addu u taagantahay.

Waxaan u Mahadcelinayaa Madaxda dowlada Federaalka oo sameysay dadaalkasta oo Madaxweyne Qoorqoor ay ugu qancin kareen inuu aragtidiisa badalo.”

 

Cali yare Macadayn in Madaxweynaha Galmudug uu Aqbalay inuu Badalo Mowqifkiisi Ku aadana Imaanshaha Cali yare Cali ee Degaanada Galmudug  iyo Inuu Wali Ku adkaysanaayo Diidmadiisa.

Ad
Previous articleDeg deg Cali yare Cali oo loo Diiday inuu Ka Dhoofo Garoonka Muqdisho Xili uu Guriceel Ku Wajahnaa
Next article4 Kursi oo Maantay Lagu Doortay Dhuusamareeb iyo Hal musharax Madaxweyne oo 3 Kursi ka Helay Maantay Doorashadaas(Aqriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here