Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si weyn ugu dhaliilay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, oo uu sheegay in isdhex-yaac uu ka jiro hay’addaha dowladda.
“Dowladda Soomaaliya lama xisaabtanto hay’addaha ka shaqeeya samafalka iyo gargaarka, mudnaanta ay dowladda u baahan tahay miiska looma saaro. Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsi iyo inay ku tiirsanaanto ajnabiga waa isla xisaabtan,” ayuu yiri.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in aan la aqbali karin in gargaarka Soomaaliya laga dhigo wax laga ganacsado, “Kuwa deeqda bixiya kan ayuu usoo dhiiba, kan waaye ka shaqada la habsaamay ee haraadiga ku noqday.”
“Dowladda Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsiga iyo in ay ku tiirsanaanto ajnabi waa isla xisaabtan la’aan, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, dadkii la xisaabtami lahaa shaqooyinka la xiriira in la xijiyo”.
Arrintan ayuu ku tilmaamay “Ceeb Qaran” islamarkaana loo baahan yahay in isku mashquulka hoose ee beelaha iyo shaqsiyaadka ah laga gudbo, si ay Soomaaliya uga baxdo tuugsiga caalamka, sida uu hadalka u dhigay.